HomeSunnaha Rasulka صلى الله عليه وسلم Raaciddeedo waa waajib
Share
Sunnaha Rasulka صلى الله عليه وسلم Raaciddeedo waa waajib

Author: Sh maxamed xuseen jaamac

PublishedDate:September 16, 2020

Allaah waxa uu inoo soo diray Rasuul, Waxana uu waa jibiyay Rasuulkaa in laraaco Lana Addeco, Wixii uu jideeyayna lalayimaado, Allaahna lagu caabudo. Aayado iyo Axaadiis badan ayaa arinkaa kawaramaya. Waxa kamid ah:- 1- Allaah waxa uu ka digay in la khilaafo Rasuulkiisa Wixii uu faray, qofka khilaafana goodi ayuu udhigay قال الله تعالى: (فَلْيَحْذَرِ‌ الَّذِينَ يُخَالِفُونَ عَنْ أَمْرِ‌هِ أَن تُصِيبَهُمْ فِتْنَةٌ أَوْ يُصِيبَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ) (Haka digtoonaadaan kuwa khilaafaya Amarka Rasuulka In ay haleesho Fitno oo ay qoluubtodu leexato. Ama uu haleelo Cadaab Kulul) 2- Qur,aanka Aayado badan ayuu ilaahay inagu faray in la addeeco Rasuulka, Macnaheeduna waa in la raaco wuxii uu jideeyay laguna daydo, Sunnadiisana lagu dhaqmo. 3- Allaah waxaa uu innagu waajibiyay in laqaato wixii uu inafaro Rasuulku, lagana hadho wixii uu inoo diido. قال الله تعالى: ( وَمَا آتَاكُمُ الرَّ‌سُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَاكُمْ عَنْهُ فَانتَهُوا ۚ وَاتَّقُوا اللَّـهَ ۖ إِنَّ اللَّـهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ ) (Wax kasta oo uu idin faro Rasuulku Sameeya. Wax kasta oo uu idiin diidana ka dheeraada) Waxa uu idin faraa waa khayr uun. Waxa uu idiin diidaana Waa sharr uun. Aayadu waxay ku tusaysaa in ay waajibtahay Addoomuhu in ay qaatan waxa uu sharciyeeyo sidoo kalena aynay u bannaanayn in ay khilaafaan. 4- Allaah waxa uu inoo sheegay in aynu ku dayanno Rasuulka Arrimaha Diinteena oodhan. Wixii uu layimid lala yimaado wixii uuna la iman ee uuna ilaahay ku caabudin aan lala iman. قال الله تعالى: (لَّقَدْ كَانَ لَكُمْ فِي رَ‌سُولِ اللَّـهِ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِّمَن كَانَ يَرْ‌جُو اللَّـهَ وَالْيَوْمَ الْآخِرَ‌ وَذَكَرَ‌ اللَّـهَ كَثِيرً‌ا) (Dhab ahaan waxaa idiinku Sugan Rasuulka ilaahay Kudayasho wanaagsan qofka Rajaynaya lakulanka ilaahay iyo maalinta Aakhiro Badbaadadeeda. )

5- Sifooyinka Munaafiqiinta waxa kamid ah in marka loogu yeedho in ay u xukun dhigtaan Rasuulka iyo Sunnadiisa aynay ogolaanin oo ay Hor istaagayaan. قال الله تعالى: ( وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ تَعَالَوْا إِلَىٰ مَا أَنزَلَ اللَّـهُ وَإِلَى الرَّ‌سُولِ رَ‌أَيْتَ الْمُنَافِقِينَ يَصُدُّونَ عَنكَ صُدُودًا ). ( Marka lagu yidhaahdo Ukaalaya Allaah waxa uu soo dajiyay iyo Rasuulka, waxad arkaysaa Munaafiqiinta oo kaa jeesanaaya oo diidaya in ay kuu soo xukun dhigtaan) 6- Rasuulku صلى الله عليه وسلم waxa uu inafaray in Sunnadiisa laqabsado laguna dhago, gows danbeedkana la dhigo. قال صلى الله عليه وسلم : ( عليكم بسنتي وسنة الخلفاء الراشدين المهديين عضوا عليها بالنواجذ) Dhamaan Daliilladaas iyo kuwo badan oo aynaan sheegin waxay inatusayaan in ay waajib tahay Sunnada Rasuulka Qaadashadeeda iyo ku dhaqankeedu. Qaybha ay u qaybsantu Sunnaduna waan sheegidonaa insha allaah.