HomeMAHAD-NAQU MADHAMAADO
Share
MAHAD-NAQU MADHAMAADO

Author: Sh Maxamed Xuseen

PublishedDate:August 29, 2020

¤_ Marka uu ilaahay kugu galadayso Nimco waxay u baahantahay Mahad celin.

¤_ Markaad Allaah ugu mahadnaqdo Nimcadaa cusub, waxa uu Allaah kuu kordhinayaa Nimco kale.

¤_ Nimcadaasna waxay u baahantahay mahadnaq.

¤_ Markaad Allaah mahadiso, waxaa uu ku siinayaa Nimco kale oo iyana ubaahan in aad ilaahay ku mahadiso.

¤_ Markasta oo aad Nimcada Allaah uu ku siiyay ku mahad naqdo ilaahayna wuu kuu siyaadinayaa.

¤_ Markasta oo ilaahay kuu nimceeyo waxay u baahantahay mahadnaq. Si Nimcadu kuugu korodho, una ilaashato

Mahadnaqo ma dhamaado.

قال الله تعالى: ( وَإِذْ تَأَذَّنَ رَبُّكُمْ لَئِن شَكَرْتُمْ لَأَزِيدَنَّكُمْ ۖ وَلَئِن كَفَرْتُمْ إِنَّ عَذَابِي لَشَدِيدٌ)