HomeArimaha la doonayo in lagu barbaariyo ubadka
Share
Arimaha la doonayo in lagu barbaariyo ubadka

Author: Macalin Hamse

PublishedDate:January 21, 2020

Arimaha la doonayo in lagu barbaariyo ubadka Waxaa waajib ah in ilmaha la baro aadaabta Islaamka iyo arimaha guud ee qofka muslinka ah lagu aqbalayn garasha la’aantooda, marka waxaa muhim ah in ilmaha intay yaryihiin la baro arimaha soo socda:

Shanta Tiirar ee Islaamka

  1. Inaad qirto inuusan jirin Ilaah xaq iyo gar lagu caabudo Ilaahay mooyee, iyo inaad qirtid inuu Muxammadna yahay adoonkii Ilaahay iyo rasuulkiisii.
  2. Oogidda salaada.
  3. Bixinta sakada.
  4. Soomidda bisha Ramadaan.
  5. Gudashada xajka qofkii kara.

Lixda Tiir ee Iimaanka

  1. inaad rumaysid Ilaahay (s.w)
  2. inaad rumaysid malaa’igtiisa.
  3. inaad rumaysid kutubtiisa.
  4. inaad rumaysid rusushiisa.
  5. inaad rumaysid maalinta dambe.
  6. inaad rumaysid qadarka khayrkiisa iyo sharkiisa.